Madaxweyne Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa oo lagu caleema saaray Laascaanood

Madaxweyne Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa oo lagu caleema saaray Laascaanood
Madaxweyne Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa oo lagu caleema saaray Laascaanood

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo ku-xigeenkiisa C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta lagu caleema-saaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xafladaan caleema-saarka ah ayaa waxaa kasoo qeyb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, Taliyeyaasha ciidamada amniga, Madax ka socata qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo odayaal dhaqameed.

Ammaanka goobta ay xafladda ka socotay ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, waxaana goobta khudbado kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameed iyo wax-garad kala duwan.

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Axmaed Aw-cali (Firdhiye) oo xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maamulkiisa uu yahay maamul nabadeed, islamarkaana aanu marnaba aqbali doonin in duullaan lagu soo qaado, iskana difaaci doonnaan hadii lagu soo xad-gudbo.

“Anagu nabad-gelyo ayaa doonaynaa, cidna duulaan kuma nihin, mana aqbali doonno in duulaan nalagu soo qaado” Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Firdhiye

Dhinaca kale, madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay in maamulkiiisa uu si wanaagsan ula shaqeyn doonno dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkanaa maamulkiisa uu noqon doonno astaan nabadeed.

Wuxuu madaxweyne Firdhiye sidoo kale sheegay inuu rajaynayo in dowladda federaalka Soomaaliya ay gacan ka geysato dhisidda maamulada kale ee xiga, isagoo kala jeeday maamulka Awdal State, oo haatan lagu kala aragtiyo duwan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doonno, waxaana laga cabsi qabaa in imaanshiyaha madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee Laascaanood ay abuurto xiisad ka dhex qaraxda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.