Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb-galay xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) iyo ku-xigeenkiisa C/rashiid Yuusuf Jibriil oo maanta ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Ra’iisul wasaare Xamse oo khudbad ka jeediyay xafladaasi caleema-saarka ah ayaa si weyn u dhaleeceeyay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni, oo aan kasoo qeyb-galin xafladda.
Wuxuu ra’iisul wasaare Xamse nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed QoorQoor uu xafladda fadhiyo balse uusan fadhin kan maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni, taasi oo ku tilmaamay inay taariikhda geli doonto.
“Waxaa nasiib darro ah in madaxweyne QoorQoor uu xafladda fadhiyo, balse uusan Saciid Deni fadhinin, taasi waxay muujinaysaa inay wax isdaba mareen, balse taariikhdaasi meel ayay ku qormeysaa” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa dagaal afka ah ku qaaday madaxweyne Axmed Madoobe, isagoona ku sheegay inuusan u aqoonsanayn inuu yahay madaxweynaha ka talliya maamulka Jubbaland.
Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, inay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda, islamarkaana ay iska dhex saaraan cid kasta oo car-qalad ku ah arrimahaas.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Puntland uu si weyn uga soo horjeestay dhisidda maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya.