Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu soo dhaweynayay islamarkaana lagu sagootinayay markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaas oo si rasmi ah u bilaabaya howlaha qodista shidaalka ee dalka Soomaaliya.
Markabkaan ayaa u jiheystay goobta ugu horreysa ee horey loo calaamadeeyay xeebta Mareeg ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud, halkaasi oo qiyaastii 372km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in imaanshaha markabkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo u horseedaysa Soomaaliya horumar dhaqaale, fursado maalgashi iyo shaqo abuur ballaaran, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay mudnaan siinayso ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah si mas’uuliyad iyo danta shacabka ku jirto.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo ku dhisan caddaalad, si dakhliga ka soo baxa shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasillooni waarta.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, isagoo ku ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dalka.