Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamse oo kulan xasaasi ah la yeeshay Qoor Qoor

Madaxweyne Xasan iyo ra'iisul wasaare Xamse oo kulan xasaasi ah la yeeshay Qoor Qoor

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa habeenkii xalay kulan xasaasi ah la qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kaas oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

Kulankan, oo ka dhacay xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda doorashooyinka Galmudug, gaar ahaan marxaladda kala guurka siyaasadeed iyo diyaar-garowga doorashada “qof iyo codka ah”.

Sidoo kale, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo loolanka hoggaanka ee Galmudug, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan go’aamo muhiim ah oo saameyn ku yeelan kara jihada doorashada.

Dhinaca kale, maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in 28-ka bishaan la qaban doono doorasho “qof iyo cod” oo ka dhici doonta deegaanada uu maamulkaasi ka arrimiyo, taas oo ay dadka shacabka ah ee halkaasi si toos ah u dooran doonaan hoggaankooda cusub.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaallo lagu doonayo in dalka looga gudbo nidaamka doorashooyinka dadban loona gudbo hannaan ay shacabka si toos ah u doortaan hoggaankooda.