Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaba-gabeeyay kulamadii uu Baydhabo ka wadey

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaba-gabeeyay kulamadii uu Baydhabo ka wadey

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo gaba-gabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib-u-heshiisiineed oo uu la yeeshay mas’uuliyiinta, hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada bulshada, nabadeynta, dardargelinta dowlad dhiska, iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo midnimo qaran, xasillooni siyaasadeed, iyo dowladnimo ku dhisan wadajir iyo ka qaybgal bulsho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaba-gabeeyay kulamadii uu Baydhabo ka wadey

Madaxweynaha ayaa hoggaanka siyaasadda, odayaasha dhaqanka, iyo bulshada Koonfur Galbeed kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan wadajirka, iskaashiga, iyo isu tanaasulka siyaasadeed, isla markaana laga fogaado waxkasta oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho, si loo ilaaliyo xasilloonida deegaannada loona abuuro jawi ku habboon horumar iyo dowladnimo waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gaba-gabeeyay kulamadii uu ka wadey Baydhabo

Kulamadaan waxaa ka qayb galay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), guddoomiye ku-xigeenka labaad, C/laahi Cumar Abshirow, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka iyo hay’adaha dowladda.