Waxaa maanta xeebta magaalada Muqdisho si rasmi ah u soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaasoo hore uga soo shiraacday dalka Turkiga, iyadoona munaasadda soo dhaweyntiisa la filayo inay ka qeyb galaan madaxda qaranka.
Markabkan ayaa qorshuhu yahay in toddobaadka soo socda uu u dhaqaaqo xeebaha Galmudug, halkaas oo horay loogu sameeyay sahanno shidaal oo dhameystiran, si loo dardargeliyo howsha qodista ceelasha cusub.
Tallaabadan ayaa ah mid muhiim ah, maadaama ay kor u qaadeyso rajada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Hawlgalka qodista shidaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale muujinaya horumar la taaban karo oo ka socda qaybaha tamarta iyo sahminta khayraadka, isla markaana xoojinaya iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca tamarta iyo maalgashiga.