Ra’iisul wasaare Xamse oo maanta kulan muhiim ah la qaatay sii-hayaha safiirka Maraykanka

Ra'iisul wasaare Xamse oo maanta kulan muhiim ah la yeeshay sii-hayaha safiirka Maraykanka Danjire Justin Davis
Ra'iisul wasaare Xamse oo maanta kulan muhiim ah la yeeshay sii-hayaha safiirka Maraykanka Danjire Justin Davis

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay sii-hayaha safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Justin Davis, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray guulaha laga gaaray la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo dadaallada dowladda ee lagu xasilinayo deegaanada laga xoreeyay cadowga.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Danjiraha uga warbixiyay horumarrada dhinaca amniga iyo tababbarka, qalabeynta, iyo xirfadaynta ciidamada Qaranka, isaga oo bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Maraykanka.

“Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah siineysaa ka saarista xoogagga xagjirka ah dhulkeena, si dalka uu u gaaro isku filnaansho dhinaca maalgashiga” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhinaciisa, Danjire Justin Davis ayaa bogaadiyey horumarka dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo doorashooyinka dadweynaha, isagoona xaqiijiyey in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan gargaarka bini’aadantinimo, taageerada ciidamada, iyo horumarinta amniga.

Danjire Davis ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageersan yahay midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato taageerada siyaasadeed, amni, iyo midka bini’aadantinimo, si loo xoojiyo dowladnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu ay hirgalisay qorshe ballaaran oo isku tashi ah oo ay dowladda federaalka iyo dadka shacabka ah si wadajir ah u fulinayaan, iyadoo laga sugayo in saaxiibada caalamka, gaar ahaan Maraykanka, ay gacan ka geystaan dadaalladan.