Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu dadaal xooggan ugu jiro xallinta khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inay isku khilaafsan yihiin arrimaha siyaasadda Galmudug, gaar ahaan qorshaha la xiriira hoggaanka maamulkaasi iyo doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan deegaannada maamulkaas.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu warramayaa inuu dadaal xooggan ku bixinayo sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen kulan fool ka fool ah, si loo xalliyo khilaafka jira loogana hortago xaalad siyaasadeed ama amni oo kasii darta.
Dhinaca kale, Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa la xaqiijiyay inuusan wax tanaasul ah ka sameyn mowqifkiisa ku aaddan arrimaha maamulka Galmudug, isagoo weli ku adkeysanaya aragtidiisa siyaasadeed.
Xilliyadda soo socda ayaa la filayaa inuu qabsoomo kulan ay albaabadu u xiran yihiin oo u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyadoo kulankaas uu dhex-dhexaadinayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Si kastaba ha ahaatee, dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa, si looga hortago khilaaf saameyn ku yeesha xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Galmudug iyo guud ahaan dalka.