Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo maalintii shalay hadal kooban ka jeediyay xafladda caleema-saarka Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi ayaa si faahfaahsan uga hadlay nidaamka federaalka ee dalka, isagoo sharaxay ujeeddada laga leeyahay iyo caqabadaha weli hortaagan.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahday caqabado siyaasadeed iyo amni, isla markaana ay jiraan dhinacyo uu ku tilmaamay “cadow” kasoo horjeeda horumarka iyo midnimada dalka, kuwaas oo saameyn ku yeesha dadaallada dowlad-dhiska iyo xasilloonida guud.
“Soomaaliya waxay leedahay cadow, mana jiro dal aan cadaw laheyn, ha ahaato mid muuqda ama mid qarsoon intaba, balse waxaan u baahanahay midnimo iyo isku duubni looga soo horjeesto caqabadahaas” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaanka dalka in ay mudnaanta siiyaan wadajirka iyo ilaalinta midnimada qaran.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u qeexay in nidaamka federaalka uusan ahayn mid khalad ah ama dhibaato ah, balse uu yahay hannaan dowladeed oo caalami ah oo lagu xoojinayo daadejinta awoodda iyo adeegyada dowladda, loogana wareejinayo xarunta dhexe loona gaarsiinayo heer gobol iyo degmo.
“Federaalnimadu wax dambi ah oo ay leedahay ma jirto, waa nidaam dunida ka jira oo ka dhashay duruufo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho, isla markaana loogu talagalay in lagu mideeyo umad kala fogaan lahayd, loona daadejiyo adeegyada dowladnimo ilaa heer tuulo,” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee federaalku ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay si siman u helaan adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si aan awoodda loogu koobin caasimadda oo keliya.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in tan iyo markii Soomaaliya ay qaadatay nidaamka federaalka ay jirto baahi loo qabo in si joogto ah loo qiimeeyo waxqabadkiisa si loo hubiyo inuu horseeday isbeddel dhab ah oo dhanka dowladnimada iyo adeeg bixinta ah.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha la xiriira hirgelinta nidaamka federaalka, awood qeybsiga, iyo tayeynta dowladnimada, iyadoo la dareemayo baahi loo qabo hannaan mideysan oo horseeda horumar waara iyo dowladnimo si buuxda u shaqeysa.