Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, islamarkaana kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, lagu hakiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli ay qorsheynayeen inay u safraan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay doonayeen inay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho, balse waxaa la sheegay in dowladda federaalka ay ka hor istaagtay bixitaankooda, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta tallaabadan ka dambeysa.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xaalad jahwareer ah ay weli ka taagan tahay gudaha garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay xildhibaanadu weli ku sugan yihiin, iyagoo sugaya in loo oggolaado safarkooda ama loo caddeeyo sababta loo xanibay.
Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.