Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Dr. Nabiil Maxamed Axmed, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Dr. Nabiil ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir.
Wafdigaasi ayaa la filayaa inuu ka qayb-galo shirweynaha 3-aad ee waxbarashada Qaranka, kaas oo diiradda lagu saari doono tayeynta waxbarashada dalka, horumarinta xirfadaha macallimiinta, kor u qaadista heerka waxbarasho ee ardayda, iyo xoojinta iskaashiga tacliimeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Shirweynaha ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa dar-dargelinta hirgelinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee waxbarashada, si loo hubiyo in waxbarashadu noqoto mid tayo leh oo la jaanqaadi karta baahiyaha suuqa shaqada iyo horumarka bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, soo dhaweynta wasiirka Jabuuti ee magaalada Muqdisho ayaa ka tarjumaysa xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah iyo wada-shaqeynta joogtada ah oo ka dhaxeeya labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya.