Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay ansixinta qodobbo muhiim ah oo ka tirsan dastuurka dalka, kuwaas oo ay maalintii shalay meel mariyeen xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ansixinta qodobadan ay tahay tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday dhameystirka dastuurka dalka, isagoo xusay in arrintani ay muujineyso dadaalka lagu doonayo in Soomaaliya ay ka gudubto marxaladdii ku-meel-gaarka ahayd ee muddada dheer socotay.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhameystirka dastuurka uu saldhig u yahay xoojinta hay’adaha dowliga ah, dhisidda nidaam siyaasadeed oo waara iyo kobcinta kalsoonida shacabka ee dowladnimada.
Ansixinta qodobadan dastuuriga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, geeddi-socod muddo dheer socday oo la doonayo in lagu helo dastuur dhammeystiran oo hagaya nidaamka dowladnimo iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la sii wado wada-shaqeynta u dhaxeeysa hay’adaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xaqiijiyo hirgelinta nidaam dowladeed oo ku dhisan sharci iyo dimuqraadiyad.