Taliska booliska Somaliland oo sheegay in dad loo qabtay dil ka dhacay Seylac

Taliska booliska Somaliland oo sheegay in dad loo qabtay dil ka dhacay Seylac
Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland C/casiis Sheekh Ismaaciil

Taliska ciidanka booliska xukuumadda Somaliland ayaa shaaciyay inay baaritaan ku wadaan dil labo nin oo dhawaan ka dhacay magaalada Saylac ee gobolka Awdal, kadib fal amni oo halkaas ka dhacay.

Waxay sheegeen inay weli ku raad joogaan eedeysanayaasha ka dambeeyay dilka, islamarkaana ay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka deegaankaasi.

Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland C/casiis Sheekh Ismaaciil oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in haatan gacanta lagu hayo rag lagu eedeeyay ama loo tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilka labada nin, kuwaas oo labo maalmood ka hor lagu dilay deegaanka Indho-biraale ee hoos taga degmada Saylac.

Afhayeenku ayaa sidoo kale sheegay in rag kale oo falkaasi lala xiriirinayo ay weli baxsad ku jiraan, isla markaana ciidamada ammaanku ay si joogto ah ugu daba jiraan, si loo soo qabto loona horkeeno sharciga.

Dhinaca kale, afhayeenka booliska Somaliland ayaa ballan-qaaday in marka ay soo dhamaato baaritaanka ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan.

Ugu dambeyntii, waxay afhayeenka taliska booliska Somaliland C/casiis Sheekh Ismaaciil ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.