Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan wadatashi ah magaalada Baydhabo kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, dib u heshiisiinta, dardargelinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey kaalintooda muuqda oo ay ka qaateen ilaalinta midnimada bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageerada dowlad-dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kulan wadatashi ah kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in wada shaqeynta dhow ee u dhaxeeysa dowladda federaalka iyo hoggaanka dhaqanka ay tahay tiir muhiim u ah nabad waarta, xasillooni siyaasadeed, iyo horumar dhaqaale.

Labada dhinac ayaa kulanka uga hadlay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo codka ah ee la qorsheynayo inay ka hirgasho deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo madaxweynaha uu odayaasha la wadaagay muhiimadda ay leedahay inay ka qayb qaataan wacyigelinta bulshada, dhiirrigelinta ka qayb galka doorashooyinkaas, iyo xaqiijinta in talada shacabka si toos ah loogu celiyo maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kulan wadatashi ah kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey booqashadiisa iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka ku bixineyso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa caddeeyay garab istaagooda qorshayaasha qaran ee lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, dowladnimada, iyo ka qayb qaadashada barnaamijyada bulshada, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kulan wadatashi ah kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa muujinaya sida dowladda federaalka iyo hoggaanka dhaqanka ee Koonfur Galbeed ay uga go’an tahay xoojinta wadajirka bulshada, horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, iyo ilaalinta nabadda guud ee dalka.