Taliyaha ciidanka xoogga oo dalacsiiyay ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalka waddada Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha ciidanka xoogga oo dalacsiiyay ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalka waddada Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ku bogaadiyay ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, isagoo sidoo kale dalacsiin siiyay cutubyadii ka qeyb qaatay howlgalkaas.

Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud oo cutubyo ka tirsan ciidanka kula hadlayay xero ciidan oo ku taalla magaalada Baydhabo, ayaa ciidamadaasi ku ammaanay guushii ay ka gaareen howlgalkaas, isaga oo xusay in cadowgu muddo dheer dhibaato ku hayay shacabka ku safri jiray waddadaas muhiimka ah.

Wuxuu intaas ku daray in guushaan ay farxad weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo amniga deegaannada ay ciidamadu la wareegeen.

“Waxaan si qalbi ah idiinkaga mahadcelinayaa, shaqada aa umadda Soomaaliyeed u haysiin, inta aan awoodo, hal darajo ayaan idin dalacsiiyay, sidoo kale saraakiisha idin hoggaamineysay iyagana ballan la mid ah ayay leeyihiin” Sidaas waxaa yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Ugu dambeyn, taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, halkaasi oo uu ku sheegay in muddo dheer ay isbaaro u taallay kooxaha Al-shabaab.

“Waddadaas dheer, ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo waa waddo aad muhiim ugu ah labada magaalo, waxaa in muddo ah isbaaro u tiillay khawaarijta Al-shabaab, waa guul iyo farxad usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, waana idinkugu mahad-celinayaa guushaas weyn ee aad usoo hooyseen qarankiinna” Ayuu yiri taliyaha

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay in dib loo furay waddada Muqdisho iyo Baydhabo, kaddib dagaallo culus oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, halkaas oo ciidamadu jab xooggan ku gaarsiyeen argagixisada Al-shabaab, kuwaasoo muddo dhibaato ku hayay shacabka waddadaasi isticmaala.