Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho ku qaabilay danjireyaasha dalalka shisheeye iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyadoo madaxweynaha uu danjireyaasha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarrada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si wadajir ah u gaareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u iftiimiyay guulaha laga sameeyay dhinacyada amniga, hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah, la dagaallanka kooxaha argagixisada, gurmadka abaaraha, iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay safiirrada iyo hay’adaha caalamiga ah taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska dowladnimada, sugidda amniga, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah, kaas oo ku dhisan ixtiraam, isfaham iyo dano wadaag, si loo gaaro horumar waara iyo xasillooni siyaasadeed oo dalka ka hanaqaada.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed iyo taageerada caalamiga ah ee lagu horumarinayo dalka.
