Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda, isla markaana la sugay xaaladda guud ee amniga magaaladaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in tallaabada lagu xaqiijiyay amniga Baydhabo ay muhiim u tahay dib u soo celinta kala dambeynta iyo xasilloonida deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa caddeeyay in dowladda federaalka ay si buuxda ula wareegtay qorsheynta hannaanka doorashooyinka ee Koonfur Galbeed, isagoo xusay in la hirgelin doono nidaam ay shacabka si toos ah uga qayb qaadanayaan, kuna saleysan qof iyo cod.
“Waxaa naga go’an in Baydhabo ay noqoto meel nabdoon oo ay ka hirgasho doorasho xor iyo xalaal ah, si shacabka Koonfur Galbeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda cusub” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay hor istaagto geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo sheegay inaan la aqbali doonin wax falal ah oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida.
“Ma jiri doonto wax ka hor imaanaya doorashooyinka tooska ah, cid kasta oo damac ka leh inay carqaladeyso waa inay dib uga fiirsataa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi
Dhinaca kale, waxa uu ra’iisul wasaare Xamse hoosta ka xarriiqay in dowladda federaalka aysan oggolaan doonin wax aargoosi ah ama falal qalalaase abuuri kara, isagoo carrabka ku adkeeyay in shacabka Koonfur Galbeed dib loogu celin doono awoodda ay ku dooranayaan hoggaankooda.
Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya xilli uu isbeddel siyaasadeed oo degdeg ah ka socdo Koonfur Galbeed, iyadoo dowladda federaalka ay dardar gelinayso qorsheyaal lagu dhisayo maamul cusub oo ku dhisan nidaamka dimuqraadiyadda.
Si kastaba ha ahaatee, qorshahaan ayaa wajahaya caqabado siyaasadeed, maadaama qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo madaxda maamul goboleedyadda ay ka muujinayaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan habka isbeddelkan loo wajahayo.