Maraykanka iyo Iiraan oo ugu dambeyn gaaray heshiis xabbad-joojin ku-meel-gaar ah

Maraykanka iyo Iiraan oo ugu dambeyn gaaray heshiis xabbad-joojin ku-meel-gaar ah

Dowladaha Maraykanka iyo Iiraan ayaa ugu dambeyn gaaray heshiis xabbad-joojin ku meel-gaar-ah oo socon doonta muddo labo toddobaad ah, iyadoo heshiiska shuruudihiisa ay ka mid tahay in maraakiibta ganacsiga ay si xor ah u maraan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif oo dhex-dhexaadiye ka ahaa heshiiska, ayaa sheegay in xabbad-joojinta ay si rasmi ah u dhaqan gashay, isagoo xusay in dhinacyadu ku heshiiyeen go’aamo deg-deg ah oo wax-ku-ool ah, ujeeddadooduna tahay dejinta xiisadda iyo furitaanka waddo wada-hadallo siyaasadeed oo mustaqbalka lagu xallin karo khilaafaadka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay inuu oggolaaday xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah, isaga oo xusay in Maraykanku uu horay u gaaray dhammaan ujeeddooyinkii militari ee howlgalka uu kalahaa dalkaasi Iiraan.

Dhinaca kale, golaha ammaanka ee qaranka Iiraan ayaa iyana xaqiijiyay inay aqbaleen xabbad-joojinta, iyadoo la qorsheynayo in wada-hadallo rasmi ah ay ka furmaan magaalada Islamabad ee Pakistan maalinta Jimcaha, si xal waara looga gaaro colaadda u dhaxaysa labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan waxaa loo arkaa fursad muhiim ah oo labada dal u furaysa wadahadallo lagu xallinayo colaadda iyo khilaafaadka siyaasadeed, iyadoo la qorsheynayo in wada-hadallada labada dhinac ay si habsami leh usii socdaan xilliyadda soo socda.