Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u aqoonsaday maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya inay la mid tahay maamuladda kale ee ka jira dalka, islamarkaana ay heli doonto xuquuqdeeda.
“Waxaan rabaa inaa halkaan ka caddeeyo in maamulka Waqooyi Barri uu yahay maamul rasmi ah oo la mid ah maamuladda dalka ka jira, islamarkaana ay heli doonto waxkasta oo la mid ah maamulada kale” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalka sii wata ayaa u mahad-celiyay dhammaan kasoo qeyb-galayaasha xafladda caleema saarka, isagoona sidoo kale goobta kaga dhawaaqay inuu Laascaanood u aqoonsaday inay tahay magaalada midnimada iyo astaanta Soomaaliya.
“Magaalada Laascaanood maanta wixii ka dambeeyo waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay caasimadda midnimada iyo astaanta Soomaaliya” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya iyo Somaliland inay nabadda qaataan islamarkaana sii daayaan maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaaladii dhexmaray labada dhinac.
“Wax cudur-daar looma hayo in wiilal Soomaaliyeed sii xirnaadaan, waxaa ugu baaqayaa labada dhinac ee Somaliland iyo Waqooyi Barri inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana lasii daayo wiilasha siyaasadda u xiran” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Somaliland inay qaataan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada oo ay diyaarka ula yihiin walaalahooda maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya.
“Waxaan maamulka Hargeysa ugu baaqayaa inay naga qaataan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Barri, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin, aan wada fariisano oo aan ka wada-hadalno aayaheena” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.