Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee ka howlgala gudaha dalka, si looga arrinsado xaaladaha dhaqaale ee jira iyo saameynta ay yeelan karaan isbeddellada ka socda caalamka.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dagaallada ka socda Bariga Dhexe iyo sida ay u saameyn karaan ganacsiga, sahayda badeecooyinka iyo guud ahaan adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay.
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga tashadeen sidii loo illaalin lahaa xasilloonida suuqyada, loogana hortagi lahaa in shacabka ay la kulmaan culeysyo dheeraad ah oo dhanka nolosha ah.
“Waxaan ganacsatada Soomaaliyeed kala hadalnay saameynta dagaalka ka socda Bariga Dhexe uu ku yeelan karo dalkeenna, iyo sida aan uga gaashaaman karno si bulshada Soomaaliyeed aysan u dareemin culays dhaqaale,” Sidaasi waxaa yiri wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.
Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalka uu haatan wajahayo xaalad abaar ah iyo gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, xilli ay sare u kacdo baahida bulshada ee dhanka cunnooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Ugu dambeyn, Wasiir Jamaal Maxamed ayaa ugu baaqay ganacsatada inay muujiyaan mas’uuliyad bulsho, isla markaana ay ka fogaadaan kordhinta qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada ay bulshada u baahan tahay, si loo yareeyo culays kasta oo xilligan ku imaan kara shacabka.