Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), oo uu hoggaaminayay kaaliyaha dhanka mashaariicda ee maareeyaha guud ee WFP, Matthew Hollingworth.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka cunno-yarida, abaaraha, fatahaadaha, iyo saameynta isdaba-joogga ah ee ay ku yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wafdiga WFP siiyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dalka, isagoo si gaar ah u dul istaagay dhinacyada amniga, siyaasadda, horumarrada la gaaray, iyo caqabadaha ka dhashay abaaraha, oo ay cunno-yaridu ka mid tahay.

Wuxuu xusay in loo baahan yahay in la helo xal waara, gaar ahaan xilligan oo dalka galay xilli roobaad, si loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha loona yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loogu istaago taageeridda beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, si ay uga faa’iideystaan fursadaha wax-soo-saar ee xilliyada roobka, isagoo tilmaamay in tani ay qayb ka tahay istaraatiijiyadda dowladda ee lagu gaarayo isku-filnaansho iyo horumar waara.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay WFP doorka ay ka qaadanayaan taageeridda shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dalka uu ka soo kabanayo dhibaatooyin muddo dheer ragaadiyay.

Wuxuu sheegay in xukuumadda DanQaran ay diyaarisay qorshayaal istaraatiiji ah oo lagu xallinayo sababaha asaasiga ah ee cunno-yarida, isla markaana ay muhiim tahay in hay’adaha caalamiga ah ay dowladda kala shaqeeyaan hirgelinta qorshayaashaas.
Dhankooda, madaxda WFP ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku wajahan helidda xalal waara, iyagoo muujiyay diyaar u ahaanshahooda inay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan dalka.
Waxay sidoo kale caddeeyeen in ay ka go’an tahay inay ka qeyb qaataan qorshayaasha dowladda ee lagu gaarayo isku-filnaansho, si mustaqbalka looga maarmo gargaarka dibadda.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, si wax looga qabto caqabadaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira loona dhiso mustaqbal ku dhisan horumar iyo isku-filnaansho.