Shir ka dhacay Laascaanood uu shir guddoomiyay wasiirka amniga Soomaaliya

Shir ka dhacay Laascaanood uu shir guddoomiyay wasiirka amniga Soomaaliya
Shir ka dhacay Laascaanood uu shir guddoomiyay wasiirka amniga Soomaaliya

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Janeraal C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka maamulka waqooyi Bari Soomaaliya C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan C/laahi.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga islamarkaana loogu diyaar-garoobi lahaa munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha maamulka waqooyi Bari C/qaadir Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Dhinaca kale, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhawaan gaaro magaalada Laascaanood, halkaasi uu kaga qeyb-gali doonno munaasabadda caleema saarka ah.

Si kastaba ha ahaatee, wafdigaan ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa qeyb ka ah wafuud hordhac u ah safarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan halkaasi kusoo wajahan.