Qoraal kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in howlgal culus oo ay ka sameeyeen degmada Bu’aale ee gobolka J/dhexe lagu bar-tilmaameedsaday koox ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalkaan oo ay NISA iska kaashanayeen saaxiibada caalamka ayaa sameeyay xilli hor-joogayaal katirsan kooxda Al-shabaab ay ku shirayeen guri ku yaalla degmada Bu’aale ee gobolka J/dhexe.
”Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe”, Ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Illaa iyo haatan lama oga tirada howlgalkaasi lagu dilay ama nolosha lagu qabtay.
Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii u dambeysay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa hawlgallo culus oo lagu beegsanayo kooxda Al-shabaab ka bilaabay degmooyinka ay kooxdaasi maamulaan ee ku yaalla gobolka J/dhexe ee maamulka Jubbaland.