Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay weli kusii qulqulayaan mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, si ay uga qeyb-galaan caleema saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa.
Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb-gali doonta munaasabadda caleemo saarka ayaa maanka kormeer ku tagay difaacyada aagga Guumays, halkaasi oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka waqooyi barri Soomaaliya.
Wasiirka oo goobta shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu goobta ku arko calanka buluuga ee Soomaaliya iyo kan maamulka Waqooyi Barri oo ka babanayaan difaacyada aagga Guumays.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in calanka buluuga ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo kan maamulka waqooyi Barri ay ka babanayaan difaacyada aagga Guumays oo dhowr sano ka hor calamadaasi laga diidanaa, mar aan dheereyn waxaana rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fido deegaannada gooni-goosadka gacantooda ku haray” Sidaasi waxaa yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Dhinaca kale, wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya, inay adkeeyaan ammaankooda, islamarkaana la shaqeeyaan ciidanka ammaanka maamulka, si looga hortaggo carqaladayn in lagu sameeyo ammaanka deeganadooda.

Si kastaba ha ahaate, kormeerka uu wasiirka ku tagay goobahaan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii loo xoojin lahaa amniga, mideynta ciidamada, iyo adkaynta wada-shaqeynta ka dhaxeeysa hay’adaha amniga ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.
