Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga ra’iisul wasaare Xamse ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri C/qaadir Firdhiye iyo sidoo kale wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hore halkaasi u joogay.

Wafdiga la socday ra’iisul wasaare Xamse ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiro, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Laascaanood.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu isna soo gaaro magaalada Laascaanood, si ay uga wada qeyb-galaan xafladda caleema saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Xamse ayaa hore u yimid magaalada Laascaanood, waxayna booqashadaan u noqonaysaa tiisa labaad uu ku yimaado magaaladaasi.
