Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah usoo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, taliyeyaasha ciidamada amniga, madax ka socday maamul goboleedyada, odayaal dhaqameed, waxgarad iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Firdhiye iyo kuxigeenkiisa, waxaana si aad loo adkeeyay guud ahaan ammaanka magaalada Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeeysay uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud socdaal ku tago magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo booqasho ku taga magaaladaasi, tan iyo bur-burkii dalka.