Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasi ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed oo muuqda.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdiga uu guddoomiyuhu hoggaaminayo ay ka mid yihiin xildhibaanno si cad uga horyimid hoggaankii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, arrintaas oo muujineysa in safarku xambaarsan yahay ahmiyad siyaasadeed oo weyn.
Socdaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Baydhabo, isla markaana uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee maamulka C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kaddib cadaadis dhinacyo badan leh oo soo wajahay.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in guddoomiye Aadan Madoobe marka uu gaaro Baydhabo uu la kulmi doono mas’uuliyiinta cusub ee la magacaabay, saraakiisha ammaanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo adkeeyo xasilloonida loona taageero maamulka cusub ee dhismaya.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u aragta socdaalkan mid muhiim u ah dejinta xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, iyadoo la doonayo in la xaqiijiyo amni waara, wadatashi ballaaran, iyo hab maamul oo hufan.
Ugu dambeyn, kulamada la qorsheeyay ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa sidii loo dhisi lahaa kalsooni iyo iskaashi dhexmara dowladda federaalka iyo maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah, si loo dedejiyo adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee gobolka.