Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, ku yeeshay kulankii 11-aad ee wadajirka ah ee kalfadhiga 7-aad, iyagoo diiradda saaray dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, iyo guddoomiye ku-xigeennada labada Aqal ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee doodda ku saabsan wax ka badalka cutubka 4aad gaar ahaan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad.

Mudanayaasha ayaa ka dooday qodobadaas, iyagoo soo jeediyay aragtiyo iyo talooyin kala duwan.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa sheegay in dooddu ay sii socon doonto, iyadoo kulanka xiga la qaban doono maalinta Isniinta ee soo socota.
Si kastaba ha ahaatee, kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu dhammaystirayo dib-u-habaynta Dastuurka KMG ah, si dalka loogu helo dastuur dhammeystiran oo saldhig u noqda hannaanka dowladnimo.