Wararkii ugu dambeeyay dagaal aad u culus oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dagaalka oo socday in ka badan nus saac ayaa lasoo sheegay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay, hase yeeshee lama oga inta uu khasaarahaasi gaarsiisan yahay.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa gudaha u galay qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, kuwaas oo isugu jiray cutubyo hore ugu sugnaa magaalada iyo kuwo kale oo kasoo dhaqaaqay deegaannada ku dhow.

Wararka dambe ee la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamadii taageersanaa Laftagareen ay dib uga baxeen qaar ka mid ah goobihii ay hore u gaareen, kadib dagaalkii ka dhacay halkaas.

Labada dhinac ee dagaalku dhexmaray ayaa mid walba warbaahinta u sheegay inuu dagaalka guulo ka gaaray, iyagoo sidoo kale soo bandhigay maxaabiis iyo agab ciidan oo ay kala qabsadeen dhinacyada kale.

Saraakiil ka tirsan ciidamada taageersan Laftagareen ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo maxaabiis ay ka qabsadeen ciidamada dowladda, halka dowladda federaalka Soomaaliya ay iyaduna soo bandhigtay gaadiid ciidan iyo maxaabiis ay sheegtay inay ku qabatay dagaalladii ka dhacay Baydhabo.

Inkastoo dhinacyadu ay kala sheeganayaan guulo, haddana xaaladda magaalada Baydbabo ayaa weli ah mid aan degganayn, iyadoo shacabka deegaanka ay ka cabsi qabaan in dagaallo kale ay dib uga qarxaan magaalada.

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya khilaafka inay ka fogaadaan dagaal iyo iska horimaadyo hor leh, isla markaana ay u midoobaan xal nabadeed oo lagu xallinayo muranka jira, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida Baydhabo.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadaan dagaal ayaa kusoo beegmaysa xilli ay jiraan muranno siyaasadeed iyo loollan ku saabsan hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoona dadka deegaanka ay walaac xoogan ka muujiyeen saamaynta ay colaadda ay ku yeelan karto amniga, nolosha shacabka iyo dhaqdhaqaaqa guud ee magaalada.