Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad xil wareejin ah oo ay xilka ku kala wareegeen Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa hambalyo u jeediyey Taliyaha cusub, isaga oo carrabka ku adkeeyey in hoggaaminta ciidanka looga baahan yahay hufnaan, anshax iyo masuuliyad qaran, si ay ciidanka xoogga dalka u noqdaan kuwo bulshada kalsooni buuxda ku qabto.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay guulo muuqda ka gaareen howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta, isla markaana laga xoreeyey deegaanno muhiim ah oo muddo dheer ku jiray gacanta argagixisada, isagoona tilmaamay in cadowga lagu hayo cadaadis joogto ah, ayna adkaan doonto inay helaan fursad ay kusoo kabtaan.
Wuxuu ra’iisul wasaare Xamse xusay in kooxaha argagixisadu ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan dhulalka leh kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan dhulka beeraha iyo hareeraha wabiyada, si ay u wiiqaan dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalka.

“Goobtan aan joogno waxay astaan u tahay difaaca iyo ilaalinta calanka Qaranka Soomaaliyeed, waana mas’uuliyad culus oo sharaf leh, Ilaa inta dalka laga sifeynayo cadowga, horumar dhab ah ma jiri doono, sidaas awgeedna mudnaanta ugu weyn waa in la xoreeyo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha khawaarijta,” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Dhinaca kake, ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu ay dadaal xooggan ku bixinayso xaqiijinta xuquuqda iyo daryeelka ciidamada, isagoo tilmaamay in miisaaniyadda dowladda qayb weyn lagu wajaho amniga iyo nabadgelyada guud ee dalka.
Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Taliyihii hore shaqadii uu qabtay, isagoo Taliyaha cusub ku dhiirrigeliyey inuu sii xoojiyo howlaha lagu dhisayo ciidan qaran oo awood leh.