Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la qorsheynayaa in todobaadyadda soo socdo uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo uu kula kulmi doonno madaxweynaha dalkaasi C/fitaax Al-Sisi.
Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalkaasi Masar, C/fatax Al-Sisi, taasoo ujeedadeedu tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Al-Sisi ayaa yeelan doona kulan ay kaga wada hadli doonaan sida Soomaaliya iyo Masar uga qayb qaadan karaan xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, iyagoo kaashanaya iskaashi diblumaasiyadeed iyo wada-tashi siyaasadeed.
Ujeeddada kulankaan ayaa ah in la helo is-afgarad iyo istiraatiijiyad wadajir ah oo wax ka qabata caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo iskaashi miro-dhal ah.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Al-Sisi ayaa ka wada hadli doona fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale, oo ay ka mid yihiin maal-gelinta mashaariic horumarineed, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo taageeridda dib-u-dhiska Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay istiraatiijiyadda Soomaaliya ee xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee dalalka Carabta ee gobolka saameynta ku leh.
Sidoo kale, Masar waxaa loo arkaa xulafo muhiim ah oo Soomaaliya ka caawin kara xoojinta xiriirka dalalka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga iyo Qatar, iyadoo taageeradan ay xoojinayso awoodda dowladda, horumarinta dhaqaalaha, iyo helidda maalgelin loogu talagalay mashaariic horumarineed iyo adeegyada bulshada..
Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar wuxuu qeyb ka yahay qorshaha Soomaaliya ee dhisidda xiriirro istiraatiiji ah oo waara, kuwaas oo xoojinaya xasilloonida Geeska Afrika, amniga Badda Cas, kobcinta iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale, iyo helidda taageero diblumaasiyadeed oo ka timaadda dalalka Carabta sida Masar, Sacuudiga, iyo Qatar.