Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay gobolka Awdal ee xubnaha ka ah golaha wakiillada Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) uga digay inuu colaad hor leh u abaabulo bulshada ay metalaan.
Xildhibaannadaan ayaa sheegay in dadka Awdal ay la dhibaataysan yihiin waxyeellada ka soo gaartay awood muquuninta Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) sida ay hadalka u dhigeen.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa sheegay in ay heleen xogo muujinaya in awood militari oo dheeraad ah uu Madaxweyne Cirro u adeegsanayo Gobolkaasi.
Ugu dambeyntii, Xildhibaan Abiib ayaa ka digay dhibaatooyinka ka imaan kara awood sheegashadaas maadaama aanay dadku lagu qasbi Karin wax aysan rabin, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah meel fog looga istaago tallaabadaas sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa damacsan in ay gobolka Awdal ka fulliso howlgallo culus oo ka dhan ah dadka kacdoonka ka wada gobolkaas, waxaa weli u xiran tiro dad ah, halka magaalooyinka qaar ay ka muuqdaan raadadka rabshadihii ugu danbeeyey ee ka dhacay gobolka.