Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa soo saaray baaq deg-deg ah oo ay ku dalbanayaan in hay’adaha samafalka iyo bulshada caalamka ay si dhaqso leh u gargaaran shacabka ku dhibaateysan deegaanada maamulkaasi.
Xildhibaannada waxay cadeeyeen in Koonfur Galbeed ay ka jirto xaalad bini’aadannimo oo daran, ka dib abaaro daba dheeraaday iyo colaado soo noqnoqday, taasoo keentay in shacabka deegaanka ay wajahaan cunto yari baahsan, biyo la’aan, iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid nolol maalmeedkooda.
Waxay sidoo kale tilmaameen in carruurta, haweenka, iyo barakacayaasha ay yihiin kuwa ugu daran ee saameynta kasoo gaartay xaaladdan, iyadoo ay wajahaan nafaqo darro iyo adeeg caafimaad oo aad u kooban, halka xeryaha barakacayaasha ay aad u ciriiri yihiin, taasoo kor u qaaday halista cudurrada iyo xaaladaha adag ee nolosha.
Baaqaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadka ka barakacaya colaadaha ka socda magaalada Baydhabo, halka kumanaan kale ay abaarta daran kaga soo carareen miyiga, iyagoo raadinaya gargaar bani’aadannimo iyo nolol ka wanaagsan tii ay ku noolaayeen.
Ugu dambeyn, xildhibaannadu ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka, dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed inay si wadajir ah u xoojiyaan gurmadka, si loo badbaadiyo nolosha shacabka ay dhibaatadu saameysay, loona yareeyo saameynta abaarta iyo colaadaha ka jira deegaanka.

