Taliyihii hore ee ciidanka asluubta oo ka dhoofay Muqdisho kadib markii laga qaaday xayiraadii saarnayd

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta oo ka dhoofay Muqdisho kadib markii laga qaaday xayiraadii saarnayd

Taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub), ayaa goor-dhow u amba-baxay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaddib markii laga qaaday xayiraadii xabsi-guriga ahayd ee maalmihii lasoo dhaafay saarnayd.

Xayiraadda lagu soo rogay Taliye Shub ayaa la sheegay inay la xiriirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, taas oo si gaar ah ula xiriirtay madaxweynihii hore ee maamulkaasi, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ay qaraabo dhow ahaayeen.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in go’aanka lagu qaaday xayiraada uu yimid kaddib markii Laftagareen uu ka baxay magaalada Baydhabo, taas oo hoos u dhigtay xiisaddii taagneyd isla markaana meesha ka saartay sababihii keenay in la xaddido dhaqdhaqaaqa Taliye Shub.

Dhinaca kale, wafdi kala duwan oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kusii qul-qulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xasilinayo xaaladda siyaasadeed iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa haatan u muuqata mid aad u deggan, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay bilawday dadaallo lagu dhisayo maamul cusub oo Koonfur Galbeed ah, kaas oo lagu wado in lagu saleeyo nidaamka doorasho “qof iyo cod”.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaan doorasho “qof iyo cod” ayaa weli wajahaya dood siyaasadeed oo ballaaran, iyadoo qaar ka mid ah mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay si adag uga soo horjeedaan hirgelintiisa.