Waxaa maanta la filayaa inay magaalada Muqdisho soo gaaraan wafuud ka kala socota maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo hordhac u ah booqashada rasmiga ah ee la qorsheynayo inay Muqdisho ku yimaadaan labada madaxweyne ee maamuladaasi.
Wafuuddan markii ay soo gaaraan magaalada Muqdisho waxay la kulmi doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, si wadahadallada loogu sii ambaqaado arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inay maalinta berri ka qeyb galaan shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasoo ka furmi doona Magaalada Muqdisho.
Shirkaasi ayaa la filayaa inuu isku keeno madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda maamul-goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana looga doodi doonaa arrimaha doorashooyinka, dastuurka, xasilloonida siyaasadeed, iyo wada-shaqeynta maamul-goboleedyada, taasoo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka siyaasadda dalka.
Si kastaba ha ahaatee, wafuuddan ku soo wajahan Muqdisho ayaa imaanaysa xilli uu jiro kala aragti duwanaansho u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taasoo ka dhigaysa kulamada ka dhici doona magaalada kuwo si weyn loo hadal haayo.